RAAXADA GUURKA

DAREENKA GABADHA HABEENKA AQALGALKA

Dareenka Gabdhaha Waa sidee  Habeenka Aqal galka ah Ugu Hureeya ?
gabadha aan bekra-jebinta wax fikrad ah ka haysan, was-waas, shaki iyo cabsiyi kama marna habeenka lala aqalgelayo. Marka aan leeyahay (fikrad) kama wado tijaabooyin hore oo ay soo martay, balse waa fikrad cilmiyeed la soo baray loogana soo sheekeeyay. Waxaa dhacda inay hablaha qaarkood ka baqaan inayba kala dillaacaan habeenkaasi. Bekra-jebinta waxaa la socda xanuun yar oon micne lahayn, watana macaan illowsiisa cabsida oo dhan. waxaan oran karnaa maba jiro wax xanuun lagu tilmaami karaahi haddii aynaan annagu arrinka buunbuuninayn, siinaynna ahmiyad ka weyn tan uu mudan yahay.

Waxa waajib ku ah gabadha inay isugu diyaariso guurka si qalbi furnaan leh, sababta oo ah habeenka aqalgalku waa hadafkeeda koowaad waxaana ku xiran mustaqbalkeeda oo dhan. Gabadha si wanaagsan u xulatay gacalkeedu maba aha inay cabsato, balse waa inay si kalsooni ah xabadkiisa isugu tuurtaa una dhunkataa iyada oo u diyaar garoobeysa inay la midowdo laga billaabo saacaddaasi ilaa iyo intay nooshahay. Dabcan gabadha caynkaasi ah ee farxad iyo laab furnaan ku soo dhoweysa habeenkeedu way hilmaantaa xanuunka aan wax la sheego lahayn ee la socda bekra-jebinta.

somaligate

About Author

Embark on a journey of self-discovery with us at SomaliGate Magazine, your source for inspiration in health, wellness, lifestyle, and relationships. Let's create a balanced and fulfilling life together! 🌿✨ #SelfDiscovery #Inspiration #WellnessGoals

You may also like

galmada
RAAXADA GUURKA

Baabka Saddexaad: Galmada

GOGOLXAAR GUUD Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb
Habeenka Bikro-Jabinta
RAAXADA GUURKA

BEKRA-JEBINTA

Habeenka aqalgalku waa habeennada nolosha qoys kan ugu horreeya, galmada dhacda habeenkaasi bayna gabadhu isugu bedeshaa haweeney, sidaasi daraadeed aad