Waa Maxay Waajibaadka Naagta

Waxaa haweeneyda waajib ku ah inay ninkeeda daacad u ahaato una yeesho wax kasta oo uu ka dalbado, aan ka ahayn inay Eebbe ku caasido. Haddaba xaqqa uu ninku ku leeyahay naagtiisu waa wax aad u weynoo haddii ayan gudan gaarsiin kara Naar, hadday gudatana Janno ku geleyso. Waxaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) laga weriyey inuu yiri: (Naag kasta oo dhimata ninkeedoo raalli ka ah, Jannaday gashaa). Waxaa la sheegay in ayaamihii Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), nin safrayey uu naagtiisa amar ku siiyey inaanay kasoo degin dabaqa sare oo ay ku jirtay, isagoo aabbeheedna dabaqa hoose ku jiray. Dabeeto aabbihii baa bukooday, markaas bay Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) u dirtay dad si uu ugu oggolaado inay aabbeheed usoo degto. Markuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) ogaaday amarkii ninkeedana waxa uu ku yiri: (Ninkaaga hadalkiisa yeel). Aabbihii waa uu dhintay, say mar kale Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) amar weydiisatay, saa wuxuu ku yiri: (Ninkaaga amarkiisa yeel). Kolkii aabbihii la duugay buu Sallalaahu Calayhi Wasallam ergo usoo diray ugu bishaareysa in Eebbe ugu dembi dhaafay aabbeheed amarkii ninkeeda ooy yeeshay awgii.

Waxa uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yiri: (Naagtu hadday shanta tukato, bisha soonto, cambarkeeda dhawrto, ninkeedana amarkiisa fuliso, waxay gashaa Jannada Eebbeheed). Caa’ishah (RC) waxaa laga weriyey inay tiri: (Gabar baa Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” u timid, markaas bay ku tiri: “Rasuulkii Allow gabar baan ahay lasoo doontay, mana jecli guurka eh muxuu yahay xaqqa uu ninku naagtiisa ku leeyahay?. Markaas buu yiri: “Hadday madaxa ilaa gondaha carun kaga yaal leefid ku dhammaysana gudi kari mayso xaqqa uu ku leeyahay”. Markaas bay tiri: “Miyaanan markaa guursanayn?”, suu ku yiri: “Mayee guurso isagaa kuu khayr badane”). Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Naag baa u timid Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam”, kuna tiri: “Waxaan ahay naag madax-bannaan ah, waxanan doonayaa inaan guursado, ee muxuu yahay xaqqa ninku?”. Markaas buu ku yiri: “Xuquuqda ninku uu ku leeyahay xaaskiisa waxaa kamid ah in hadduu doono inuu u galmoodo iyadoo Rati dushii saaran aanay ka diidin). Riwaayad kale waxay leedahay: “Ninku hadduu xaaskiisa u yeero haka yeesho, xitaa hadday Tinnaar muufo ku dubayso”.

Haweeneydu waa inaanay guriga cidna wax ka siin ninkeedoon oggolayn, hadday saa yeeshana isna ajarkii buu helayaa iyana dembigii. Waxaa kale oo uu ku leeyahay inaanay soon sunno ah soomin isagoon u oggolaan, hadday soontana gaajo iyo harraad waxan ahayn ka heli mayso. Hadday guriga amar la’aan ka baxdana Malaa’ikta ayaa naclad ka deyn weyda ilaa ay guriga kaga soo noqoto ama ka towba keento).

Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu yiri: (Haddaan qof ku amri lahaa inuu u sujuudo qof kale, naagta ayaan ku amri lahaa inay ninkeeda u sujuuddo, xaqqa uu ku leeyahay weynaantiisa awgeed). Waxa kale oo uu yiri: (Naagi waxay wejiga Eebbeheed ugu dhowdahay kolkay gurigeeda dhex joogto. Salaadda ay ku tukato gurigeeda daaraddiisa ayaa kaga fadli badan ta ay ku tukato Masjidka, salaadda ay ku tukato guriga dhexdiisuna way kaga fadli badan tahay ta ay daaradda ku tukato, halka salaadda ay gogosheeda ku ag tukataa ay kaga fadli badan ta ay guriga intiisa kale ku tukato).

Waxaa iyana xuquuqda uu ninku ku leeyahay naagtiisa kamid ah; inay isdaryeesho isna asturto iyo inay ka waantowdo weydiisashada wax aanu awoodi karin.

WAXYAABAHAY RAGGU DOONAYAAN

DUMARKUNA AANAY DAREENSANAYN

Ma fududa inay haweeneydu ninkeeda siduu rabo u raalligeliso, gaar ahaan kolkay arrinru galmo ku lug leedahay. Waxaa markaa kulmaya isagoon waxa uu tabanayo si bareer ah ugu sheegi karin iyo iyadoo aqoon-darri ka sokow isaga uun wilaayada saarata. Hadduu xitaa sidaas baan rabaa sidaana iga daa oran lahaa hawshii galmada ayaaba saa ku dhadhan beelaysa. Ninku waxa uu jeclaan lahaa inay xaaskiisu iskeed u garato dookhiisa iyo rabitaankiisa isagoon u sheegin.

Haddaba si aynu arrinka u fududeyno, ugu horreyntaba waa inay haweeneydu ogaataa in rag oo dhami isku dookh ka yihiin dhanka galmada oo waxa ninkeedu ka doonayaa ay yihiin waxa nin kasta oo kale uu xaaskiisa ka doono, aanayna ahayn wax ninkeeda ku kooban. Marka xiga waa inay isku daydaa in waxyaabaha aynu soo sheegi doonno ay dhaqan geliso, si ay ninkeeda rabitaankiisa u raalligeliso iyana raaxada ula wadaagto.

1- MARMAR HOGGAANKA QABO

Ka badbadin igama aha haddaan iraahdo rag oo dhami way u riyaaqaan kolkay arkaan haweenkooda oo galmada hoggaanka u haaya, halkay iyagu ka doonan lahaayeen. Ninku markaasi wuxuu rabbigiis iyo ragannimadiisa ku mahadiyaa siduu ugu raaxaynayo xaaskiisa, isagoo weliba falkeedaasi si ba’an ugu kacsada.

Haddaba gabaryahay waa in aanad ka xishoon inaad gacalkaaga ugu baaqdid si aan bareer ahayn una tustid inaad galmo doonaysid, sida adigoo ku jiitama (isku naba), horaadka saara, madaxa iyo garka u salaaxa, hadal macaan oo xodxodasho ahna xaraaraddiisa ku kiciya.

2- SI XORRIYAD LEH U RAAXAYSO

Dumarka qaar baa aaminsan in dhaqdhaqaaqa (niikada) iyo reenka ka baxa xilliga galmada oo raggu dareemaa amaba maqlaa tahay wax ceeb ah, sidaa darteedna iscaburiya iskuna celiya dareenkooda oo dib u liqa. Allow yaa usheega dumarka caynkaas ah inay iscaddibayaan, isna seejinayaan, raggoodana seejinayaan raaxo iyo macaan tii ugu darrayd.

Gabaryahay ogoow rag oo dhami inay aad iyo aad u jecelyihiin inay maqlaan haweenkooda oo reemaya, neeftuuraya, dhunkashada iyo dhabanna qabsigana la wadaagaya. Ogoowna hadduu ninkaagu arko adigoo iska hoosyaal, istiin iyo raaxana aanad qaadanayn, hawsha uu qabanayana la qaybsanayn, inuu marka hore isagu iska shakinayo oo aaminayo inuu yahay wax-ma-tare aan ku raalligeli karin, marka xigana uu kaa qaadanayo fikrad xun oo ah inaad tahay mid aan mayd waxba dhaamin, maantuu ku guursadayna khasaare ka joogo.

Gabaryahay galmadu ma aha oo qura kaqaybgal jireed ee waxa weeye oo kale kaqaybgal dareen iyo rabitaan, dhunkashada iyo ereyada macaanina waa lagama maarmaan, mana loo baahna inaad ka xishootid ee saa u ogoow.

3- GALMO KELIYA MA AHA

Waxyaabaha ninku xaaskiisa ka doonayaa kuma koobna inay sariirta ugu raaxayso, balse waxa uu mararka qaar u baahan yahay jacayl aan ‘jabitaan’ lahayn oo ay laabtiisu ku qabowdo, kalsoonida uu naftiisa iyo naagtiisa ku qabaana ku kororto. Waxyaabaha haddaba uu doonayo waxaa kamid ah, dhunkasho macaan, shafka ku qabasho, salaaxis aanay doonisi ku jirin iyo haasaawe macaan. Waxyaabahaai kolkay guurka ka maqan yihiin wuxu noqdaa sida raashin aan cusbo lahayn.

4- ODAYGAAGU MA AHA AALAD

Dumarka qaar baa u haysta in ninka ay waajib ku tahay inuu xaaskiisa habeen kasta u tago, hadduu saa yeeli waayana uqaata inuu isbeddelay ama dumar kale ka raacay amaba ay ka dhammaatay oo uusan iyadaba raalligeli karin. Haddaba gabaryahay ninkaagu aalad maaha shaqeysa mar kasta oo inta batrool lagu shubo la istaaro, balse waxa weeye bani’aadam ay saameeyaan duruufaha uu ku noolyahay, dadka uu ku dhex noolyahay iyo shaqooyinka uu qabto intaba.

Ninku kolka uu ka fekerayo duruufaha hadba noloshiisa kusoo kordha, niyad uma haayo naag utag, naftiisa iyo niyaddiisuna uma qaybsami karaan laba meelood, markaasi oo kalena waxaa haweeneyda la gudboon inay isku daydo siday u fahmi lahayd mashaakilkiisa, ulana socon lahayd duruufihiisa ugana gargaari lahayd siduu uga gudbi lahaa.

RAGGIINNA LISA IDINKUNA RAAXAYSTA

Layli loogu magac daray Layliga Kegel (Kegel Excercises) baa ahaa kii ugu horreeyey ee gacan la mahadiyay ka geystay siday haweenku ku gaari lahaayeen heer biyabbax. Waxaa Layligaasi lagu tiriyaa inuu kamid ahaa horumarradii ugu muhiimsanaa ee uu gaaray Cilmiga Jinsigu, waxaana markii hore loo isticmaali jiray daaweeynta dadka ay kaadidu ka fara baxsato ee aan suuliga gaarsiin karin.

Waxaa jira saddex muruq oo ku yaal sinaha hoostooda kuwaasi oo kantaroola godka saxarada, godka cambarka iyo kaadi mareenka. Shaqada murqahaasi waxa weeye miirid, majuujin iyo joojin kolka uu qofku kaadinayo ama saxaroonayo. Mar hadday murqahaasi dabcaan, ma awoodaan inay kaadi mareenka u xiraan sidii looga baahnaa, qofkuna isagoon isogayn bay kaadidu ka baxsataa. Haddaba Layliga Kegel waxa looga gollahaa inuu xoojiyo murqahaasi si ay hawshooda habsami ugu gutaan.

Muruqa Gumaarka oo isagu kamid ah saddexdaasi muruq ee aynu soo sheegnay, waxa hawsha uu ka qabto kaadi mareenka u dheer isaga oo kantaroola cambarka naagta. Haweenka saddex dalool oo dalool in kayar ayuun buu muruqa gumaarkoodu xooggan yahay una shaqeeyaa sidii laga filayey. Iyadoo ay taasi jirto, bay misna tirada haweenka qaba kaadi baxsadku ay aad u yartahay. Kolka uu muruqa gumaarku adag yahay waa uu isku laablaabmaa oo isku majuujismaa, kana dhigaa cambarka mid adag oo wada seed ah, arrintaasi oo lagama maarmaan ah kolka la doonayo galmo laga dhergo, haddiise uu muruqaasi dabacsan yahay cambarku awood ma laha uu ku majuujismo oo ku laablaabmo, geedka ninkana ku liso.

Haddaba kolka uu cambarku ballaaran yahay muruqa gumaarkiisuna dabacsan yahay, geedka ninku ma yeelanayo awooddii ciriirinta iyo lisanka lagama maarmaanka u ahayd galmo lagu wada raaxaysto, haddiise muruqaasi adag yahay, kolka geedka ninku ku lismo ayuu sii kacaa oo kordhiyaa majuujiskii iyo lisankii, sidaasina haweeneydu ku gaartaa istiin iyo gariir kan ugu sarreeya.

Xoojinta awoodda muruqa gumaarku waxa ay haweeneyda u suura gelisaa:

1- U adkaysiga Dhalmada.

2- Xukumista kaadida.

3- Yaraynta dhabar xanuunka.

4- Kordhinta raaxada galmada (iyada iyo ninkeeda labadaba).

Layliga Kegel ee lagu xoojinayo muruqa cambarku waxa uu leeyahay faa’iidooyin la hubo, ma dhib badna barashadiisu, mana daaliyo haweeneyda xilliga galmada. Waxaa weliba intaa dheer isaga oo gacan ka geysta inay sinaha, gumaarka, iyo godka hoose ee xubinta taranku ku toosnaadaan halkii loogu talagalay, sidaasina haweeneyda ay fooshu ugu fududaato xilliga dhalmada oo aanay iyada iyo uurjiifkuba dhibaato kala kulmin.

Dumarka bartay Layliga Kegel wuxuu u leeyahay faa’iidooyin ka badan caafimaad iyo nabad-ku-dhalid. Waxay dumarkaasi si ulakac ah u kordhisan karaan istiinka iyo macaanta galmada, waase hadday Layliga u bartaan sida soo socota:

Haweenku intooda badan awood bay u leeyihiin inay xukumaan muruqa gumaarka, wuxuuse uga baahan yahay inay si fiican ugu fiirsadaan uguna feejignaadaan. Waxaan hore u soo sheegnay in shaqooyinka muruqa gumaarka ay kamid tahay inuu kantaroolo kaadida. Haddaba kol hadday haweeneydu awoodi karto inay joojiso burqadka kaadideeda, taa micneheedu Waxa weeye in muruqii gumaarku majuujismay oo isku uruuray. Aan idin xusuusiyo inay jiraan murqo kale (waa taynu hore usoo niri murquhu waa saddex) oo tamar daran kuna jira afka kore ee cambarka oo iyaguba kaadida sidaasi si la’eg u celin kara. Si ay taa meesha uga saarto waa inay haweeneydu kolkay kaadshayso labadeeda lugood intii karaankeed ah kala fogeysaa, kolkaasi oo celinta kaadidu ay u baahanayso dadaal iyo awood dheeraad ah, awooddaasi oo isku soo uruurinaysa muruqa gumaarka. Taa lafteeda dumarka badankiisu wuu yeeli karayaa, ha yeeshee hadda faa’iido kaadi joojin ka weyn bay haweeneydu huwantahay, oo ah inay sidaa ku baranayso waxa uu yahay muruqa aynu ka hadlaynaa, lana socon karto kolka uu isku soo duubmayo oo uu majuujismayo, haddii ay dhowr maalmood sidaa yeeshana waxay kasbataa khibrad, waxaanay awood u yeelataa inay waqti kasta muruqaasi majuujiso oo isku dhuujiso, iyada oo weliba tababarkii kaadi joojinta halkii kasii wadata.

Drs. Marry Ford oo ku takhasustay Cilmiga Ummulisanimadu waxay leedahay: (Kolka aad baratid majuujinta muruqaasi, wixii markaa ka dambeeya kaagama baahna wax awood ah oo ka badan indhaha ood isku qabatid kalana qaaddid, waxase loo baahan yahay in halka jeer ay muruq majuujintu socoto muddo aan ka yarayn laba sakan).

Kol hadday haweeneydii baratay kantaroolka muruqa gumaarka, waa inay aroortii intaanay sariirta ka toosin majuujisaa 5 – 10 jeer, waqtigaasi oo ay muruq majuujintu sahal tahay. Sidoo kale mar kasta oo ay kaadshayso waa inay samaysaa layligaasi. Haweeneyda uu layligu u hor leeyahay waxaa lagula talinayaa inay ku billowdo lix fadhi, halkii fadhina ay samayso toban majuujis, sidaasina waxay ku samaysaa lixdan majuujis maalintii. Waxaa laga yaabaa inuu layligaasi qofka ula muuqdo wax dhib badan, kol haddiise aynu ogaanno in halkii majuujis aanu qaadanayn wax ka badan laba sakan, halkii fadhina labaatan sakan, layliga oo idilna laba daqiiqo maalintii, markaa haweeney kastaa way samayn kartaa bay ila tahay.

Haweeneydu waxay u baahan tahay siddeed usbuuc si ay u qaybto Layliga Kegel. Usbuuca saddexaadba way dareemi kartaa horumarka la taaban karo ee ay ka gaartay raaxada galmada kana dhashay layligaasi. Waa inaanay joojin layliga ilaa iyo inta koorasku ka dhammaanayo, isticmaashaana mar kasta oo ay kaadshayso ama galmo ka qaybqaadanayso. Waqtiga galmada, waa inay si ulakac ah isugu qabataa oo u majuujisaa muruqa inta lagu jiro hordhaca galmada, taasi oo hadhowto kolka cambarka iyo geedka ninka la’is geliyo, sahal ka dhigaysa inuu iskii isu majuujiyo.

Muruqa gumaarka oo laga qaybgeliyo galmadu, waxa uu shaqada cambarka ka dallacsiiyaa qaabbile aan waxba qaban una dallacsiiyaa ka qaybgale isagu goobta maamula.

Gunaanadkii iyo gebagebadii, waxaa dumarka uurka leh lagula dardaarmayaa inay sameeyaan Layliga Kegel dhalmada kahor, si uu u xoogeysto kanaalka cambarku, una barto siduu iskii isugu uruursan lahaa uguna kala bixbixi lahaa, kala baxbaxaasi oo keenaya inay haweeneydu si fudud ku dhasho. Sidoo kale waa inay Layliga samaysaa dhalmada kadib, si muruqii gumaarku uu awooddiisii iyo shaqadiisii u soo ceshado.

DHAQAN MAALMEEDKA REERKA

Waxaa laga yaabaa in akhristayaal fara badan oo khibrad ballaaran u leh arrimaha qoysku, kolka ay akhriyaan talooyinka iyo tusaalooyinka soo socda ay u arkaan wax caadi ah oon cilmiyaysnayn, ha yeeshee waxaa iga xusuusin ah in sababaha yaryar oon si keli keli ah ahmiyad loo siin kolka ay is uruursadaan ay raad xoog leh ku yeeshaan hore u socodka ama burburka nolosha qoyska.

Si haddaba jacaylka labada qof u noqdo kii waara, waxaa lagama maarmaan ah in la waraabiyo. Waraabintaasi dadku way ku kala aragti duwan yihiin, taasi oo ku xiran hadba bay’ada uu qofku ku barbaaray. Qof baa jecel in mar waliba hadiyad loo keeno si loo tuso sida weli loo jecel yahay, halka qof kale uuba dhibsado koolkoolinta iyo ka badbadinta daryeelka gaarka ah, uuna ku kaaftoomo nolol qoys oo deggan wax walibana u socdaan sidii caadiga ahayd.

Waxyaabaha adkeeya hannaan socodka jacaylka labada isqaba waxa kamid ah isweydaarsiga hadiyadaha, xusuusnaanta munaasabadaha gaarka ah ee farxadda u leh labada qof amaba midkood, dareensiinta joogtada ah uu midkood dareensiiyo kan kale inuu yahay qof la jecel yahay, isa sagootinta iyo isa soo dhaweynta kulul, hiwaayadaha midkood oo uu kan kale kala qaybgalo, si wanaagsan oo dhego iyo laab furnaan ah oo la’isu maqlo, horumarka midkood iyo hawlaha uu qabanayo oo uu kan kale u muujiyo sida uu ugu garab taagan yahay uguna faraxsan yahay, hadduu midkood fashilmo uu kan kale niyadda u dhiso una dareensiiyo inaanay waxba dhicin lagana kaban karo, iwm..

Waxaa lama huraan ah in labada isqaba midkoodna uusan fududeysan raadka ka imaan kara ereyadiisa iyo habka uu ugu dhawaaqayo, sababta oo ah ereyadu waxa laga yaabaa inay marmar keenaan xanuun ka kulul kan dharbaaxada. Haddii haddaba midkood dareemo rabitaan ah inuu ka jawaabo hadal uusan jecleysan oo kaga yimid kan kale, waa inuu liijaanka ku adkeeyaa naftiisa, una diidaa inay bixiso jawaab beddel ah, xitaa haddii acsaabtiisa iyo baahidiisuba ku kallifayaan jawaabtaasi.

Waa inay labada qof bartaan siday u weydiin lahaayeen waxay doonayaan si degganaani ku jirto, uguna jawaabi lahaayeen sidaasi si lamid ah. Waa in mid waliba uusan ka xishoon inuu qirto gefkiisa, iskana dhigin qof laga raayey. Waa inuu ogaado in gefka oo la qirtaa uu yahay geesinimo tan ugu weyn, iyada oo weliba qirashadaasi ay qofka kale naftiisa ku abuureyso qaddarin iyo qiimeyn gaar ah oo uu u haayo qirtaha.

Kolka ninkeedu olyada iyo biyaha isku daro oo uu dheellitirnaanta maskaxeed ka baxo xanaaq iyo caro awgood, waa ineysan haweeneydu ku soo dhoweyn aamusnaan iyo ismoogeysiin, taasi oo markaasi ninka ku abuureysa daandaansi dheeraad ah iyo dhaawac ku yimaada raganimadiisa. Waa inay kolkaasi si degdeg ah jawaab jilicsan oo ay ku dheehan yihiin jacayl iyo xilkasnimo ugu jawaabtaa, taasi oo markaasi si dhaqsa ah hubka uga dhigeysa uguna celineysa degganaantiisii hore, kolkaasi oo ninku intuu dib isugu laabto oo arko khaladkiisa uu ka kororsanayo jacayl iyo xushmayn uu u qabo xaaskiisa raaliyada ah. Haddii haddaba ay xanaaq iyo kacdood kala hor timaado waxay ninka uga dhigan tahay toorri la suray. Ragga qaar baa ku gaara heerkaasi si dhaqsi ah, iyaga oo lumiya kantaroolka maskaxdooda, xanaaqooduna ku dhammaadaa inay burburriyaan wax allaale iyo wixii ka agdhow gacantooduna gaarto, amaba laga yaabaa inay ku dhawaaqaan furriin.

Waxyaabaha handada geeddi socodka nolosha qoyska kuwooda ugu khatarsan waxaa kamid ah haweeneyda oo dareenta kelinimo nafsiyadeed iyo mid caqliyeed. Haddii ay haweeneydu dareento in ninkeedu uu doonayo inay dhinaciisa uun iskaga noolaato isaga oon wax ahmiyad ah siin, waxay uga daran tahay dil waxshinimo. Haddaba ninku waa inuu xaaskiisa ka qaybgeliyaa arrimaha shaqadiisa ahmiyadna siiyaa rabitaankeeda yar, xoojiyaana macnawiyaadkeeda haddii uu dhantaalmo. Waa inuu xaaskiisa u kaalmaystaa shaqooyinka xafiiska haddii ay suuragal tahay gaar ahaan kolka aanay weli carruur isu dhalin.

Kolka ninku uu ka soo laabto shaqada isaga oo jir iyo maskaxba ka daallan, tabar uma haayo inuu dhegeysto dacwooyinka iyo eer sheegashada xaaskiisa, balse waxaa uu doonayaa inuu arko iyada oo u diyaarisay cunto uu jecel yahay. Waxa dhab ah inay haweeneydu dhibaato iyo feker billowday xalayto markay seexaneysay iyada oo ka fekereysa waxa ku soo fool leh oo ah shaqooyinka guriga iyo qoyska sida u diyaarinta carruurta dugsiga, u diyaarinta quraacda reerka oo dhan, soo iibinta wixii ay karin lahayd, dhar dhaqis iyo kaawiyadayn, iwm. In kasta oo dhibaatooyinkaasi oo dhami sugayaan, haddana waa inay wax waliba ka hor marisaa nadaafadda guriga iyo tan jirkeeda intaba, waana inaysan illoobin isqurxinta iyo lebbiska wanaagsan.

Waxaad arkaysaa haween kolka ay gurigooda iyo ninkooda la joogaan lebbista dharka jikada amaba wax u dhigma, kolka ay aqalka dibadda uga baxayaanna lebbista dharka moodadii ugu dambeeysay, iskuna shuba barafuun nooca ugu qaalisan. Haddaba haweenka caynkaasi ah waxaan u sheegayaa marka hore inuu jiro Xadiis oranaya: (Naagtii gurigeeda ka baxda iyadoo uu barafuun ka soo carfayaa waxay lamid tahay naag sineysatay). Marka labaadna in hadday raggoodu ka raacaan dumar kale ay iyagu u qoolan yihiin, sababta oo ah sida ay iyaguba u dareemayaan kolka ay si wanaagsan u lebbistaan in rag badani hunguriyeynayaan, ayay nimankooduna intay ka daalaan isdaryeelid la’aantooda ay u hunguriyeeyaan dumar kale oo si fiican isu soo taagay. Ma aha mar la’arag in nin xaaskiisa sanado badan la noolaa, maalin ay magaalada u dhaadhacayso ama xaflad u socoto uu aad ula dhaco lebbiska iyo uduggeeda, lana noqoto qof kale, si aan qarsoodi lahaynna ugu yiraahdo: (Naa heedhe heblaayoy illayn kumaba ogeyne sidanaad u qurux badnayd.) amaba ku yiraahdo: (Alla maanta qurux badanidaa! oo waabad lebbisataye xagee baad u socotaa?), goortaa dabadeedna ku baraarugo inuu qabo marwo ka qurux badan boqolaal uu la dhaco iyaga oo waddada yaacaya.Waxaa intaa dheer oo suuragal ah inuu isyiraahdo: (Quruxdaan ay weligeed kaa qarsan jirtay tolow ruuxa kale ooy u waddaa waa kuma?), sidaasina kolka uu arko haweeneydiisii areebada ahayd oo maanta intay isqurxisay aqalka ka baxaysa uu qalbigiisa masayr galo waxyeelleeya jacaylkooda.

Haddaba haweenka caynkaasi ah oo mujtamaceenna ku badan waxaan u sheegayaa: (Ogoow inaan lagaa qurux badnayn haddii aad isqurxiso, ogoowna in ninkaagu uu gacanta kuugu jiro, haddaad iska sii deysana sidaad ku soo ceshataa ay adag tahay). Anigu waxan garanayaa haweeney inta uu ninkeedu shaqada ku maqan yahay qadada diyaarisa, aqalka hagaajisa, qubaysata oo intay lebbisato lebbis kan ugu qurux badan isna udgiso, dabeeto sugta inta uu ka imaanayo iyada oo markaasi ku soo dhoweeysa farxad, qurux iyo dareen uusan weligiis meel kale ka heleyn. Runtii aad baan ula dhacsanahay, una qaddariyaa haweeneydaasi oon aaminsanahay in iyada oo kale tahay fara kutiris.

Waxaan isku deyayaa inaan kala saaro quruxda iyo soojiidashada jinsiyeed (Sex appeal). Quruxda oo keli ahi ragga qaar ma qanciso, ha yeeshee soojiidashada jinsiyeed waxa ay ku hurisaa dab aan dhaqso u damin. Soojiidashada jinsiyeed waxaan ula jeedaa nadaafadda oo ay la socoto ilqabato (Sida dadka qaar yiraahdaan heblaayo jinniyo ayay leedahay), labadaasi oo kulmaana uma oggolaadaan nolosha qoyska inay kala daadato. Haweeney kastaa waxay leedahay ilqabato gaar ah oo ay khasab ku tahay inay barato, una soo bandhigto hab mudan in ninkeedu il gaar ah ku eego. Ilqabato waxaan ula jeedaa, qaybta jirka ama sasaanka haweeneyda kamid ah ee ay kaga wanaagsan tahay dumarka kale, kagana soojiidasho badan tahay. Jirkeeda kala qaybqaybsan, qaararkeeda, habka soo joogsigeeda, dhaqdhaqaaqeeda, socodkeeda, hadalkeeda, iwm., waxaasi oo dhan waxa la yiraahdaa ilqabatooyin, waxaanay haweeneyda siiyaan soojiidasho ka xoog badan tan quruxda aanay waxba la socon.

Waxyaabaha ay raggu dumarka ku raacaan waxaa kamid ah timaheeda oo intay dheeryihiin hawadu midmid u laliso, mana ka helaan qaababka shanlleysi (feerasho) ee dad sameega ah ee markii la taabtaba duma. Sidoo kale ilkaha dabiiciga ah ee cadcadi waa ay soo jiitaan ragga, waxaana haweeneyda khasab ku ah inay iska ilaaliso af-ur. Anigu kollayba nin baan ahaye, uma dulqaadan karo in aan la dhaqmo haweeney afkeedu urayo. Raggu waxaa kale oo ay jecel yihiin wejiga jlicsan guduudkuna ku jiro, indhaha indha kuusha khafiifka ah kor laga mariyay iyo bushimaha guduudan, mana jecla wejiga iyo bushimaha sida ba’an loo dhayay.

Waxaan shaki ku jirin in casrigaan cusub ay noloshu dumarka khasab kaga dhigtay inay tartan iyo riigtan la galaan ragga, waxaana caadi noqotay inay haweeneydu xafiis ka shaqayso, wax barato, kana qaybgasho siyaasad iyo dublomaasiyad intaba. Haweenka caynkaas ahi kolka ay guryahooda joogaan waxa ay galaan jikada, kana qaybqaataan hawlo fara badan oo shaqada guriga ah, halkaasina waxaad ka dareemi karaysaa naagnimadooda. Waxaa dhab ah in ragga oo idil ay ku farxaan kolka ay arkaan haweenkooda oo dhex noqnoqonaya jikada, iyaga oo digsi ama saxan hore iyo gadaal u sida, cajiin qasaya, khudaar shiidaya, dhadhaminaya maraq dabka saaran, iwm. Taas micneheedu ma’aha in jacaylka raggu uu ku jiro calooshooda siday dumar badani ku doodaan, balse waxa weeye qaddarin ay qaddarinayaan fanka wax karinta sida ay u qaddariyaan fan kasta oo kale, kuna faana sida ay haweenkoodu cuntada u karin yaqaannaan.

DARMAAN LALA DARDAARMAYO

Gabar yahay ma dooneysaa in aydnaan duqaaga kala gaboobin, dumar kalena uusan kula guursan?. Haddaba waanadeydaan yeel:

Guriga uga dhig janno uu ku raaxaysto inta uu joogo, una soo xiiso inta uu ka maqan yahay, hana uga dhigin cadaab uu ka doonto meel uu uga cararo.

Dhoolacaddeyn iyo weji furnaan ku salaan kolka uu guriga soo gelayo, sidaana kula joog ilaa uu ka baxayo. Dhibaato kastoo ku haysatana dhoolacaddee.

Kala qaybgal murugadiisa iyo mashaakilaadkiisa, iskuna day inaad mar waliba ka farxisid, si uu u illaawo daalka uu la soo kulmo inta uu kaa maqan yahay.

Isku day inaad samaysid waqti adiga iyo ninkaagu hadal macaan iyo haasaawe aad is weydaarataan dhowr daqiiqaba ha ahaatee.

Marmar hadiyad u keen haba qiimi yaraatee.

Kala qaybgal hiwaayadihiisa hana ka daalin, ogowna in naagta caqliga badani ay tahay ta taqaan waxa uu duqeedu jecel yahay.

Isku day inaad alaabada guriga taal iyo qaabka ay u dhigan yihiin wax ka beddeshid hadbana dhinac ka soo jeedisid, daahyo nafta soo jiita iyo ubaxna ku qurxisid. Mar waliba gurigaagu ha ahaado mid qurxoon, nadiif ah oo nidaamsan si uu ninkaagu ugu nasto.

Isku day inaad marmar wax ka beddeshid muuqaalka jirkaaga iyo dharkaaga, isuna qurxi oo isu dhis si aanu dumar kale u dhugan.

Ugu yeer magac jacayl iyo erayo nafta soo jiita.

Ku qanac intii Eebbe kuu qoray, dushana haka saarin wax aanu qaban karin, hana uga sheekeyn waxa uu walaashaa ninkeedu u keeno iyo waxa aanu u keenin.

Wax kasta oo uu ku yiraa ka yeel aan ka ahayn dembi aad Eebbe ka gashid, maxaa yeelay haddaad dhimato asagoo raalli kaa ah waxaad tahay ehlu-janno.

Been ha’u sheegin ninkaaga, ogowna in hadduu been kugu ogaado shakiguu kaa qaadaa aanu weligii ka baxaynin.

Meel uu xumaan kugula malayn karo ha is dhigin, wax kastoo shaki iyo in laga sheekeeyo keeni karana ka fogow.

Ha badsan ka bixitaanka guriga, ogowna hadduu maanta kuu sabro inaanu berrito kuu sabri doonin.

Iska ilaali taleefannada badan, ninkaagu ha joogo ama yaanu joogine.

Xusuusnow ballamada uu dadka kale la leeyahay, xusuusina.

Ku mahadi wuxuu ku siiyo haba yaraadeene, maxaa yeelay Eebbe ma eego naagta aan ninkeeda ku mahadin.

Xiriiri una roonow ehelkiisa iyo qaraabadiisa, kalana qaybgal faraxooda iyo murugadooda, si uu isna ehelkaaga iyo qaraabadaada u xiriiriyo.

Ha u ammaanin ehelkaaga, hana u cayn ehelkiisa, waxaa laga yaabaa inuu kuu dhaafiyo ereyo ku dhaawaca eh.

Ku kaalmee arrimaha Diinta sida Soonka iyo Sako bixinta, una toosi oo xusuusi waqtiga Salaadda.

Kula noolow ninkaaga waqtiga la joogo suu yahay, hana baarbaarin wuxuu taariikh soo maray, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaadan ku farxin.

Ha u ammaanin gabar saaxiibtaa ah, yaanu kaa raacine.

Ha u ammaanin nin kale, ma jecla inaad ammaanto nimaan asaga ahayne.

Iska ilaali masayrka badan, masayr waa dab eh, ogowna hadduu dillaaco dadkuu gubayo adaa ugu horreyn doona eh.

Xanaaq iska ilaali, ninkaagana ka ilaali, intuu kuu galo wuxuu kuu geystaa kaaga badan eh.

Haddaad tahay naag nin hore soo furay, iska ilaali ereyada ay kamidka yihiin “Ninkeygii hore saa ima yeeli jirin, waxaa ima siin jirin, waxaa iima diidi jirin, iwm.”.

Hadduu ninkaagu danyar yahay adna daaro dhaadheer ku noolaan jirtay, marnaba iska ilaali inuu kaa dhadhamiyo ereyo abaalsheegad ah sida adiga oo xusuusiya raaxadii aad ku noolayd intaanu ku guursan ama xoolo kuwaaga ah ood siisay aad ugu abaalsheegatid, maadaama ereyada caynkaas ahi ay raganimadiisa iyo karaamadiisa dhaawacayaan.

Haweeney garoob ah baa beri ii sir warrantay. Waxay tiri: Markaan guursanayey waxan isweeydiinayey Su’aalahaan soo socda:

Muxuu ninkaygu iga rabaa?. Maxaan sameeyaa si uu iiga raalli noqdo?. Ma wuxu doonayaa inan ahay qof diinta taqaan oo ku dhaqanta, mise inaan u lebbisto sida gabdhaha gaabsiga loogu tago?. Ma wuxuu doonayaa inaan lebbisto dhar jirkeyga inta ka bannaani ka badantahay inta ka daboolan, mise wuxu rabaa inaan qaato Jilbaab iyo Niqaab?. Ma wuxu doonayaa inaan ahaado qof furfuran oo dadka dhex gasha, mise qof xirxiran oo isaga uun meel ugu xiran?. Ma wuxu doonayaa inaan ahay gabar la koolkooliyey, horteeda loo daayey bad shirtaana aanay jirin, mise inaan ahay qof waayeel ah, deggan, sida hooyadiis u caqli badan?.

Muddo markii la’iqabay waxaan billaabay inaan isweydiiyo su’aalo kuwii hore ka duwan:

Muxuu ninkeygu isaga kay indhatiraa, dumar kalena u dhugtaa laga yaabo inaan anigu wax badan qurux dhaamo?. Muxuu u kari la’yahay inuu ila fariisto ama meelna ii raaco?. Muxuu waxaan sameeyo wax uga sheegaa, isagoon isaguba naftiisa la xisaabtameyn tiisuna mar waliba la qumantahay?. Kolkaan caadada ka dhaqdo oo uu dhowr habeen ila baashaalo, muxuu iiga xiisa dhacaa?. Inkastoon cuntada ugu fiican u kariyo, guriga nadaafaddiisa ku dadaalo, dharka si yaab leh ugu dhaqo, haddana iima soo jeedo oo wuu igasii jeedaaye maxaa dhacay?

Su’aalihii aan isweydiinayey bay tiri, kolkaan guursanayey iyo kedib markaan guri degey, jawaabohoodii waxan ogaaday kedib markaan gurigeeygii gacantayda ku dumiyey oo lay furay. Haddaba waa inay bay tiri dumarka walaalahay ahi tijaabadayda ka faa’iideystaan intay goori goor tahay, intii ay hadhow tooda ka sheekayn lahaayeen sideyda oo kale.

Waxan ogaaday (waa siday gabadhu tiriye) in ninku kolka uu xaaskiisa la joogo yahay carruur cagaweyn, uuna jecelyahay inay dumar oo dhan keligeed isku wada tahay. Wuxu jecelyahay:

1- Inay hooyadiis uga egtahay xagga degganaanta, caqliga iyo diinta, sideeda oo kalena ay u koolkooliso oo wuxuu doono ugu yeesho.

2- Inay saaxiibtiis ahaato uu dantiisa, duruuftiisa iyo waxyaabo kale oo uusan qof kale oo bina’aadama u sheegan kareyn ayada u sheegto.

3- Inay u ahaato adeegto dhega xiran’ oo iyadoo aamusan siduu doono ugu adeegta.

4- Inay u ahaato qof caqli iyo xikmad badan kolka la yiraahdo hala hadlo, wax kasta oo laga hadlayana si cilmiyeeysan aragtideeda uga dhiibata.

5- Inay u ahaato sida dumarka weriyeyaasha ah, kuwa dharka xayeysiiya iyo kuwa aflaanta jila ee aynu maalin kasta Taleefishanka ku aragno, micnaha inay tahay naag qurux badan, lebbis qurxoon, lana socota moodada dharka wixii maalin kasta cusub.

6- Inay u ahaato sida naagaha jirkooda iibiya oo si layaab leh jirkooda u kala dhigdhiga, badeecadoodana usoo bandhiga, si ay macmiishooda usoo jiitaan..

Waa kaas qaabka uu ninku u fekerayo, maadaama uu ka daalayo kana xiisa dhacayo naag keligeed ah ama qaab gaar ah leh, si gaar ahna u fekerta, si gaar ahna u lebbisata. Wuxuu jecelyahay inay u ahaato dhammaan dumarka aynu soo sheegnay oo laysku dardaray, maalintuu doonana noocuu doono ka helo.

Haddaba, haweeneydu ayadoo kaashanaysa dumarnimadeeda waa inay garan kartaa goortuu sidaa inay ahaato ka rabo iyo goortuu sida kale doonayo.Waa inaanay jilbaab usoo xiran habeen uu kululyahay oo uu galmo diyaar u yahay, waase inay usoo xirataa dhar khafiif ah oo layska dhex arkayo, isla markaana ay sidii qof waaya aragnimo iyo xikmad leh ula dooddaa, caqligiisana la hadashaa, rag fara badan baana dumarka caynkaas ahi soo jiitaan.

Haweeneydii oo hadalkeedii sii wadataa waxay tiri: waxaan u sheegayaa gabadha walaashay ah in uusan ninkeedu u keenin guriga inay cunto u kariso, dhar u dhaqdo, aqalkana u hagaajiso, oo hadduu intaa keliya rabo, wuxu awoodaa inuu adeegto soo kireeysto. Walaashay, ninkaagu waxa uu kaa doonayaa inuu arko naag intuusan asagu doonan ayadu doonata. Nin kastaa waxa uu jecelyahay inay xaaskiisu waqti kasta diyaar u tahay, doonitaankuna aanu hal dhinac uun ka socon.

Haddaba aan khibraddayda ugu deeqo qoysaska isku cusub iyo kuwa mowjaduhu hadba gebi ku ridayaan welise aan bustaha bannaanka isu dhigin. Gabaryahay hadday dhab kaa tahay inaad gurigaaga janno ka dhigatid, gacalkaaga iyo adigana gabow iyo geeri waxaan ahayni idin kala geyn, waanadaydan qaado oo wax ku qabso:

1- INDHAHA: Isha ninku waxay haweeneyda ka eegtaa meel ayan iyadu ka maleysanayn. Saa darteed u lebbiso dhar kan ugu qurxoon, shardina ma aha mar kasta inaad lebbisatid dhar qaali ah, ama dhar qaawanaan xiga, sababtoo ah ninku waxa dabeecadihiisa kamid ah inuu wax waliba ka xiisa dhaco markay dhowr jeer kusoo noqnoqdaan. Saa darteed maalinba cayn uga dhig, maalin dharka haweenka gaabsiga meherad ka dhigtaa qaataan oo waxay dedayaan waxay daboolqaadayaan ka badanyihiin, maalin dhar jirkaaga oo dhan astura min madax ilaa majo, sida adiga oo Masjid u socda, maalin dharka ragga, maalin dhar rakhiis ah. Intaa keliya ma aha ee u allif qaabab lebbis oo kala duwan. Sidoo kale waxyaabaha raggu aad u xiiseeyo waxa kamid ah adiga oo beddela qabka timo feerasho, adigoo maalin sheexaysta, maalin gadaal u xira, maalin aafro ka dhigta. Sidoo kale mar timaha gaabsada sidii dhallinyarada cusub, maalin dheereysta oo daaya. Sidoo kale roosetooyinka (Bushimo caseeyaha) aad marsanaysid maalin isku duug oo daamanka, indhaha, iyo wejiga oo dhan casee, maalin khafiif ka dhigo, midab degganna marso amaba mid aan bushimaha laga garanayn. Sidoo kale Bisqin xiirashada, raggu mar waliba wexey jecelyihiin in wax waliba loo beddelo. Mar iska daa ha xiirine ha kugu bexee, dabeetana si kedis ah maalin u jar kana soo saar wax jilicsan oo sida xariirta oo kale ah, qaabab kala duwan u jar, mar sida gammuunka oo kale, marna mid yar oo ku yaal dusha Cambarka, mar kalena wada xiir gebigiis, iwm.

2- SANKA: Ninku ma jecla hal nooc oo Barafuun ah, saa darteed waa inaad bedbeddeshaa uduggaaga, barafuunkaad maalin marsatidna ha ku celin maalinta labaad. Mar Barafuun, mar Catar, mar Uunsi, iwm. Xitaa ninku marmar waxa uu jecelyahay inuu uriyo udgoonka dabiiciga ah ee xaaskiisa iyadoon waxba ismarin, waxanaba laga yaabaa in uduggaasi uu kala caraf badnaado barafuun kan ugu qaalisan.

3- DHEGAHA: Codka macaan ninku waa uu jecelyahay kolka uu ka maqlayo gidaar ka gadaal (Raadiye, Talefishan, iwm), haddaba ka warran hadduu codkaasi hortiisa ka yeerayo, ayna ugu heeseyso xaaskiisa uu jecelyahay. Saa darteed kula hadal cod macaan oo koolkoolin leh, una qaad mararka qaar heesaha uu jecelyahay. Codka xanta ah ee aad dhegta afka ula saartaana jirkiisa oo dhan wuu dhaqaajiyaa.

4- Qaab adiga kuu gaar ah u koolkooli. Tusaale ahaan; kolkuu shaqada ka yimaado asagoo daallan u masaajee oo si raaxa leh ugu daliig, adigoo nal khafiif ah qolka u daaraya, muusiko macaan oo cod gaaban lehna u shidaya amaba adigu si hamham ah ugu heesaya, adaa markaa arki doona isagoo kugu billaabaya istiimin iyo faracayaar, iyo inu isna markiisa kuu masaajeeyo.

5- Shumiska ka badi. Marka aad jiiftaan, kolkuu tooso, marka uu shaqada aadayo iyo markuu ka yimaado, dhegtana ugu sheeg inaad dharareysid soo laabashadiisa intuu kaa maqanyahayna aad tebeysid.

6- Marmar shaqada taleefan ugu dir, una sheeg sida aad ugu hiloowday araggiisa iyo sida aad ugu xiistay codkiisa.

7- Ku kedi munaasabadaha muhiimka ah ee maskaxdiisa ka maqan sida; maalintii ugu horreysay eed isbarateen, maalintaad aqalgasheen, maalintii dhalashadiisa, iwm, kedisna uga dhig xaflad yar ood labadiinna oo qurihi kasoo qaybgashaan. Waxaad doonto oo dhar ah markaa soo xiro, sida goonno gaaban, cariiri ah, jirkaaga intiisa badanna laga arkayo. Hadiyad u hibee haba yaraatee. Xitaa hadduu isagu munaasabadda hilmaansan yahay, ha ku eedeyn siduu u hilmaamay ee usheeg sida aadan adigu u illaawi karin munaasabad ceynkaasi ah.

8- Guriga nadaafaddiisa iyo gogoshiisa ku dadaal, kana dhig mid ay markasta carafi kasoo kacayso. Dharkiisa mar kasta u diyaari, uunsi uu jecelyahay ugu shid, barafuun ugu bilbil, kabahana u casee oo u nuuri.

9- Haddii aad doontid inaad meel saaxiibbadaa u raacdid amaba xitaa ehelkaa, hadduu guriga joog ku yiraahdo ka yeel oo haka hor imaan xanaaq iyo madax adayg ayuunbaa uga kordhaya kahor imaadkaaga eh, ha yeeshee goor dambe si aayar ah u weeydii sababta uu kuugu diiday inaad baxdid.

10- U diyaari cuntooyinka uu jecelyahay xitaa haddaanay adiga kuu dhadhamayn, iskuna day inaad usoo iibisid nooca cunto ee uu jecelyahay mar kasta ooy duruuftu kuu saamaxdo.

11- Nin kastaa aad ayuu ugu farxaa kolkuu arko inaad waalidkii ixtiraameysid, mashaakilna aadan ku abuureyn, ee isku day inaad isjecleysid waalidkii, gaar ahaan hooyadii, sababtoo ah dumar badan bay dhibaato ba’ani ka dhex taagan tahay iyaga iyo soddohyaalkood. Soddohdaa ixtiraam iskuna day inaad u jeclaatid sida hooyadaa oo kale. Mar kasta ood booqatid madaxa ka dhunko amaba xitaa hadday kula deggantahay. Usoo iibi hadiyadda aad usoo iibisid hooyadaa mid lamid ah, wey ku farxaysaa oo kuu ducaynaysaaye.

12- Haddaad aragtid ninkaaga oo murugeysan isku day inaad ka khafiifisid, hadduu kaa diidana si adiga kuu gaar ah ugu koolkooli sidii carruurtii isagaa degayee.

13- Suuqa kolkaad wax kasoo iibsanaysid ha ku raaco, dookhiisana iibso, wuxu markaa dareemayaa faan. Ku raac dookhiisa gaar ahaan kolkay arrintu joogto dharka hoosta laga xirto iyo dharka habeenkii xilliga jiifka aad dartii u xiratid. Dooro midabbada uu jecelyahay, mararka qaarna tus dookhaaga iyo dhar aad keligaa soo iibsatay oo ka yaabiya.

14- Ugu yeer inuu kula daawado filin jacayl ah oo soo xusuusiya siduu kuugu jeellan yahay, kuna dhaliya inuu kula baashaalo.

15- Qaababka galmada isku bedbeddela, iskuna day inaad xishoodka ka guuleysatid, kana codsatid ninkaaga noocyada galmo ee aad ka heshid. Xishoodku waxba kuu kordhin maayo, haddaad xabiibkaaga ka xishootidna ogoow cid kalood u xod sheegan kartaa ma jirtee.

16- Kolkaad dooneysid inaad Gumaarka xiiratid, u daa asagu ha kuu xiiree, siduu jecelyahayna ha u xiiree. Waad arki doontaa kolkuu xiiritaanka dhameeyo isagoo galmo doonaya, sababtoo ah intuu xiiritaanka ku jiray oo uu goobaha taranka taataabanayey ayuu gebigii taagmay, adna kolley kama digtoonaan yarid oo diyaar baad markaa tahaye.

Ugu dambayntii, Garoobka waanadan ii sir warrantay iigama aanay faalleyn habana yaraatee iisoo hadalqaadin, waxa laga rabo haweeneyda uurka leh, ta ummusha ah, ta caadada qabta iyo ta ubadka nuujisa. Ha yeeshee maadaama aanan laftaydu arrinka iyada xusuusin, dembiga dusha kama wada saari karo, balse waa inaan mar labaad iyadii dib u raadiyaa, si aan sheekada inta dhimman uga soo dhuro, dabeetana iyadoo dhan idiin soo bandhigo