Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:
-
Qurux: Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay
dumarku ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax da‘ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi uun ka qaadaan.
-
Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la
-
Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la
garanayo oo magac 1yo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) yin: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye“. Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu wax.a weeye dadnimo wanaagga waa la‘iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan 1nuu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?.
-
Maal: Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, mauu
doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa
-
Maal: Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, ma uu doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxaa bore loo yin: Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da‘ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yas1n. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yas1n.
-
Diin: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis saxiix ah ku yiri: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay,
siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.
Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu Lil-Laahi, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil Caalamiin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad kale.
Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka daa‘in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq leh ka dhalatay.
SOOMAALIDA IYO QURUXDA
Soomaalidu waxay tiraahdaa: siddeed iyo labaatan sifo oo
dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo).
Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:
-Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
-Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
-Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
-Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
-Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
-Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada
sunniyood.
-Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada
mudane (Naasaha caaraddooda).
-Labay u shuban tahay: labada dhaban.
-Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan,
ishuna ku nasato.
-Hal ay u qoran tahay: waa sanka.
Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana
maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda
macaan.
CARABTA IYO QURUXDA
Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxaytiraahdaa:(Naag
wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar
ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u
koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn).
koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn).
Afarreydiina waa sidatan:-
-Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo rnidabka.
-Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
-Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
-Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
-Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo
baararkooda.
-Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
-Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo k:ubabka.
-Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
-Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka 1yo calaacullada.
-Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.
INANTAADA U AWRDAYO
Waxaa loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh oo ku dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebeyso.
Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey: (War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa ugu jawaabay: (Nin daa‘inkii ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono).
Waxa kaloo la yrr1: Nin dadkii bore ee suusuubbanaa kamid ah baa doonay inuu inantiisa u guuriyo, markaas buu la tashi ugu tegey nin ay deris ahaayeen oo Majuusi ah (Dabka caabuda). Majuusigii oo yaabban baa yiri: (Dadoo dhami adayba adduun iyo aakhiro kaa wareystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Markaas buu ninkii Muslinka ahaa yiri: (lska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?). Majuusigii baa markaa yiri:
(Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum
Qaysarna qurux buu dooran jiray, Carabina nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu go‘aan ka gaar ciddaad ku dayan lahayd).
QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB
Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayab dowladda Islaamka u talinayeen:
Saciid ardadiisa waxaa kamid abaa nin la oran jiray Cabdullaabi bin Abii widaacah. C/Laahi dhawr
maalmood buu der iga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay ,Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid , Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa.
“Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la Joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay“ buu C/Laahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaa kii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri:
“C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah“. “Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhaca“.
Sheekhii baa markaa yiri: “Subxaanallaah, miyaanu muslirnku afar dirham ku dhowrsan karin!“, una raaciyey “Anaa 1nan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay“.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye“ baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero“. Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: “Waa Saciid“. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa Saciidkee?”. “Saciid bin Al musayib“. Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa“. Markaas baan anoo cagajiid ah iriclkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad.
Sheekhii intuu isalaamay buu yu1: “C/Laahiyow waatan naagtaadii“. Markaas baan si yare xishood ku jiro u 1r1: “Alie hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey“. Suu yiri: “Sabab!“, kuna daray: “Sow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe 1ga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga S11 darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin,,_ dhaqaaqay.
Waanu .. C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alie, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas‘alada culimada wareer1sa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?” markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda“.
Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?“. “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen“. “C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Aile ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata“.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”.
Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.
ISKA EEG INANTA INTAANAD GUURSAN
Ninku kolka uu xulanayo tii nolol la wadaagi lahayd, diintu waa ay u
oggoshahay inuu iska eego, ha yeeshee su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye:
(Intee in la‘eg buu ka eegi karayaa jirkeeda?).
Waxaa layiri: Cumar binu Khaddaab (RC) ayaa weydiistay Cali bin Abii
Dhaalib (RC) inuu siiyo gabadhiisa Ummu Kaltuum markaas buu Cali (RC) ku yiri: “Cumarow gabadhu way yartahay, balse waan kuu soo dirayaaye aragoo haddaad raalli ka noqoto waa naagtaada“. Markaas buu gabadhii intuu maro usoo dhiibay ku yiri Amiirul-mu ‘miniinka ugee, oo ku dheh aabbe wuxuu ku yiri: “Waa tii aan kuu sheegayey“. Intay Cumar u tagtay bay maradii u
dhiibtay, ereyadiina u sheegtay. Cumar (RC) baa markaa ku yiri :”Usheeg aabbahaa raali baan ka nahaye“. Markay bax is tiri oo sii jeesatay buu Cumar (RC) kubabkeeda marada ka qaaday. “Yaaaa, haddaadan Amiirul-Mu‘miniin ahaan lahayn ishaan kaa dharbaaxi lahaa“ bay ayadoo xanaaqsan intay tiri kasii dhaqaaqday. Kolkay aabbeheed ku noqotayna waxay kutiri: “Waxaad ii dirtay odoy xun oo saa iyo saa igu sameeyay”. “Maandhay waa ninkaagii“ buu Cali (RC) hadal kusoo gooyay.
Culimada diinta intoodii badnayd waxay isku raaceen inuu ninku gabadha uu guurkeeda doonayo ka eegi karayo jirka qaybihiisa haween lagu raaco sida wejiga, gacmaha, kubabka lugaha, iwm, qaarbaase intaa kasii fogaaday oo gaarsiiyey ilaa iyo jirka oo dhan waxaan ka ahayn labada dalool (cambarka iyo dabada).
SIFOOYINKII SHEEKH AL-NAFSA WI
Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim lslaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus hatil-Khaadhir) ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda.
Haddaba sifooyinkii uu sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:
(Gabadha guursigeeda la doonaa waa tan uu jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh, timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh, sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow leh, ilk.aha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh , gacmaha buurbuuran iyo garaaraha leh, hafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan leh,
xabadka iyo naaska buuxa leb, dbexda yar leb, sinaha waaweyn leh, caloo ha
godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku habboon leh, xuddunta ballaaran ee
biya-degeenkaa leh, cambar dusba iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka
ciriirigaa leh, cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh,
kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.
Gabadha socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray: “Culays kuma
dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way ciribsataa“,
kolkay soconayso laafyoota, kor 1yo hoosna ka lulata, soo socodkeeda aad
macaansatid, sii socodkeedana la m1y1r beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn, codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan , degganaanta iyo dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco ayadu doonata, hadduu iska daayana isdadabta, kolkay gaJmadu dhacayso dhabannadu casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay ninkeeda la joogto farxad iyo qosol