Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

CAQABADAHA GUURKA

WAA MAXAY CAQABADAHA GUURKA ?

Waxaa jira caqabado (dhibaatooyin) hortaagan guurka amaba lafama 1s

ahaantiisa ka dhasha, waxaana ugu muhiimsan saddexdaan:

CAQABADAHA GUURKA

Waxaa jira caqabado (dhibaatooyin) ama 1s hortaaga guurka amaba laf  ahaantiisa ka dhasha, waxaana ugu muhiimsan saddexdaan:

Awood-darri dhaqaale:-

Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka  hortaagan rag badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka  iyo awood iibsasho yaraanta xilligaan jirta dartood.

Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo:-

Rag badan baan xamili karin  Awood-darri dhaqaale:-Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka  hortaagan rag badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka  iyo awood iibsasho yaraanta xilligaan jirta dartood.

Mas‘uuliyadda qoyska ood qaadi weydo:-

Rag badan baan xamili karin  gudashada xaqa ay dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya

dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyaday la  yimaadaan. Rasuulka suubban (Sallallaahu calayhi wa allam) waxa uu  leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray  leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray  daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka cararaa ciyaalkiisu uu lamid  yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe  waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar  shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan  xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno, waxaadna halkaasi ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado aylabanlaabmayso mas‘uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari la‘aa hal naf xakamaynteed. Waana taasi ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa: (Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale) , Micnaha Aayaddu waxa weeye: (Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin , iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan).
Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo:-

Dhibaatooyinka ka dhasha guurka

waxaa kamid ah isagoo kugu dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka dhigatid ubad iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay ku adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa micneheedu ma aha in labada mid la tuuro, balse waa in guntiga dhiisha la‘isaga dhigo sidii labada daarood la‘isugu keeni lahaa. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa liijaan ku qaban karin oon xaaraan qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin.
Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur la‘aanta ayaa u roon waxa weeye ninkaan saddexdaasi aafo ka badbaadi karin, kana baqaya mas‘uuliyad dheeri ah oo uu Naar ku mutaysto, ha yeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara xaaraan kaga timaada araggiisa iyo ibtiisa.
Ninka caynkaasi ah waxa u wanaagsan 1naanu guursan, si aanu Aakhiradiisa ugu doorsan Adduunyo.