Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

FAA’IIDOOYINKA GUURKA

WAA MAXAY FAA’IIDOOYINKA GUURKA ?

HADABA WAA MAXAY FAA’IIDOOYINKA GUURKA ?

Guurku waxa uu leeyahay shan faa‘ iido oo kala ah:.

  1. Ubad kaa hara:-

  2. Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go‘in. Ubad dhalistu waa  inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:

-Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka  geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.

-Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam)  kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa  ugu faani lahaa.

–In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad  dhimatid.

–lnaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kaa saqiiro

  1. Dhufays aad ka gashid Shaydaanka:-Guurku waxa uu kaa oodaa

meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi  ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe  ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah.

Qofku hadduusan Eebbe  ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii  markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag  tahay.

  1. Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:­

Shaqo tay naftu u  jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana  la‘iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay  taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan!.

Saacadaha uu ninku ku  hawlan yahay cibaadada Alie iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu  dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu  ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.

  1. Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego:­

Ninka oo ka xorooba  maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo  diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti  dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo.

Rasuulkeenna suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu soo  saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og,  carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu‘minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma guursado oo qura in  adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu   muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku

caabuddid.

  1. Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska:­

Nafta ood ku jara-bartid  qaadista mas‘uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa  saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga  yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u  gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta  ood k:u tarbiyeysid waddada toosan, iwm.Waxaas oo dhami waxay kamid  yihiin faa‘iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu (Sallallaahu wasallam) waxa uu xadiis ku  calayhi leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin Qawsaarro, qawsaar walibana  waxa uu mas’uul ka yahay w1x11 la raaciyey). Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa  mid kamid ahi uu  n1man walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri: (Anaa

garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay: (Nin sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga carnal wanaagsan).