sida loo kala qaado hiv

sida loo kala qaado hiv
Waa maxay HIV?

                                   sidee loo kala qaado hiv

                                       Dariiqyada loo qaado HIV

Qof waxaa uu ku qaadi karaa cudurkaan ilmada indhaha dadka uu hayoo HIV gu. HIV waxaa u ku gudbi karaa:

1-dhecaanka xubinta taranka ninka
2-dareera gudaha ferjiga haweenka;
3-dhiig
4-caanaha naaska.
Biyaha taranka ninka ee qaba cudurka, dhecaanka gudaha ferjiga iyo dhiiga caadada waxay jidhkaaga gali karaan iyagoo sii maraya xuubka xabka dabada, malawadka, dhalfada guska, xubinta taran haweeneyda iyo afka.

Dhiiga qofka xanuunka qabaa waxa uu gaadhi karaa dhiigaada si toos iyadoo la maraayo qalabka mudista/irbada la isticmaalay ama dhiig shubud.
Kala qaadka dhiig shubistu inta badan kama dhacdo yurub, waayo dhiigaa waa la baraa in uu leeyahay HIV iyo in kale .

Ugu danbaybtii, HIV ga waxa loo gudbin karaa ilmaha xiligaa la umulayo ama naas-nuujinta marka la naas-nuujinayo.

Cudurkaan HIV ga laguma kala qaado candhuufta.

Ku faafida galmada

Galmo gudaha ferjiga ama dabada bilaa koondhom la’aan oo qofka qaba HIV kaaga tago.
Waxaa jiraa oo kaliyaa khatar yar in aan qaado HIV markaad samaynayso galko afka / dhuuqida xubintiisa taranka (haddii biyaha taran ee ninka ama dhiig ka socda qof leh HIV ay gasho afkaaga oo aad leedahay nabur).
Daawaynta saxda ah, qofka qaba HIV way fududahay sida uu ugudbiyo markuu galmoonayo haddii anuu xidhnayn yahay koondhom.

Dariiqyada HIV loo gudbiyo: galmo gudaha ferjiga bilaa koondhom
Dariiqyada HIV loo gudbiyo: galmo dabada bilaa koondhom
Dariiqyada HIV loo gudbiyo: galmo afka bilaa koondhom (khatar yar)
Gudbinta siyaabo kale
Hooyo u gudbinaysaa ilmeheeda xiligaa uurka ama umusha ama markay naas-nuujinayso. Dawada saxda, haweenka HIV qabaa waxay dhali karaan caruur caafimaad qaba.
La isticmaalka qof qaba hiv qalabka irbadaha.
Ku Gudbitaan dhiig shubis. Inta badan kama dhacdo Yurub, waayo dhiigaa waa laga baraa in u leeyahay HIV.
Dariiqyada HIV loo gudbiyo:

hooyo u gudbisa ilmeheeda markay uur leedahay ama ay dhalayso ama markaa naas-nuujinayso
waadaaga qalabka irbadaha oo la isticmaalaay
Lagu ma kala qaado wada kulan caadi ah
Laguma gudbiyo HIV: waadaaga bakeeri ama saxan
Laguma gudbiyo HIV: taabasho ama gacan qaad
Laguma gudbiyo HIV: dhunkasho

Macquul maaha in aad ku garato in uu qof qabo HIV eegmo aad eegtay darteed.
Iska ilaalinta HIV
Dadka qaba HIV way qaadsiin karaa dadkale haddii aanay isdawaynin. Dad badani ma yaqaanaan in ay qabaan HIV. Si aad adiga iyo dadkale u ilaalisid, isticmaal koondhom markaad galmo samaynayso.